[Boosaaso]
Qaybo badan oo kamida xildhibaanadii laga soo doortay Puntland ayaa xalay kulan la qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre kulan oo diirada lagu saaray dagaalki qasaaraha badan gaystay ee kadhacay Boosaaso, kaasoo ay ku dhinteen dhalin yar badan.
Dagaalkaan ayaa sababay dhimashada dad gaaray 16 Ruux iyo dhaawacyo kale oo farabadan.
Kulanka oo mudo socday ayay xildhibaanadu ka codsadeen ra’iisul wasaaraha sidii uu usoo qaadi lahaa dhaawacyada loona keeni lahaa caasiamda dalka, kuwii darana dalka dibadiisa loogu qaadi laahaa.
Ra’iisul wasaaraha ayaa u balan qaaday in uu wax kaqaban doono xaalada caafimaad ee ee soo gaaray dadka deegaanka, sidoo kalana caasimada usoo qaadi doono dhaawacyada liita.
Sidoo kale wararka aan helayno ayaa sheegaya in xildhibaanadu qadka phone ka kula hadleen madaxda Puntland Deni iyo Karaash, kana codsadeen in xaalada la qaboojiyo.