free tracking
//

Ra’iisul wasaare Xamse oo maantay daah-furay qorshaha hormarinta korantada

Start
1 min read

[Update]

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta daah-furay qorshaha hormarinta korantada dalka oo qayb ka ah qorshaha xukumadda ee tiirka Horumarinta Arrimaha bulshada.

Barnaamijka horumarinta korantada Dalka oo ku baxayso lacag dhan 150Milyan oo dollar, ayna fulinayso wasaaradda korantada iyo biyaha oo kaashanaysa bangiga Adduunka, ayaa soconaya mudo 5 sano ah, waxaana loo qorsheeyay in 11 magaalo oo ka mid ah dalka laga hir-geliyo koronto gelin loogu samayn doono goobaha waxbarashada iyo caafimaadka ee dhamaan gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in nolosha casriga ah ay korontadu saldhig u tahay oo la’aanteed aan dhaqaale la horumarin karin, amni la sugi karin, waxbarasho iyo caafimaadna la tayeyn karin, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay in la helo tamar casri ah oo dadkeenna siisa fursad ay dunida kula jaan qaadi karaan.

Xukuumadda Dan-qaran ayaa qorshaheeda siyaasadeed waxaa saldhig u ah horumarinta adeegyada bulsho dalka ee ku burburay dagaalladii sokeeye iyo xoreynta deegaannada cadawgu ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.