[Muqdisho]
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa maanta Xildhibaanada u diray farriin qoraaleed loogu sheegayo in maalinta berri ah uu jiro kulan uu ajandihiisu yahay codsi ka yimid Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
Qoraalka kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in kulanka berri oo Isniin ah ka qabsoomi doono xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, markay saacadu tahay 9:00 Subaxnimo.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa codsanaya in 10 maalmood oo dheeraad ah la siiyo si uu usoo dhiso Golahiisa Wasiirada, maadama maalinta berri ah ku egtahay 30-kii maalmood oo uu dastuurka siinayay si uu usoo Magacaabo Gole Wasiirada.
Kulanka Golaha Shacabka ee berri ayaa sidoo kale imanaya xili ay xalay kulan wada-jir ah yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo diiradda lagu saaray dhismaha xukumadda cusub.
Mudadaan uu codsaday wuxuu Ra’iisul Wasaaraha ayuu sii wadayaa la tashiyadiisa ku aadan dhismaha xukuumad tayo leh, waxayna Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanku la qaateen Xamza qorshihiisa mudo dheereysiga ah.