[Mogadishu]
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maantay oo sabti la horgeyn doonaa wasiirka koowaad ee xukumaada cusub si ay codka kalsoonida ugu qaadaan.
sida lagu shaaciyay wararka kulanka ayaa kadhici doona xarrunta kumeel gaaarka ee golaha shacabka ee Villa Hargeysa.
Sidaan wararkeeni hore ku daabacnay kulanka ayaa lagu waday in uu dhoco maalinimadii Arbacada ee la soo dhaafay, kaasoo u baaqday sababo ay kamid ahayd madaxda ugu saraysa dalka oo kamaqnaa wadanka, kuwaasoo u maqnaa safar dibada ah.