[Mogadishu]
Ra’iisul wasaaraha xukuumada fedraalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Baree ayaa amaray hay’adaha kala duwan ee aminga iyo gargaarka in ay si deg deg ah ugu jawaabaan xaalada gobolka Bakook oo deegaano kamida ay falal amni darro ka geysteen kooxaha argagaxisada.
Amarkan ayaa dhacay mar uu qadka taleephanka uu ra’iisul wasaaruhu kula hadlaayay madaxweynaha koofur galbeed mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin kasiiyay deegaannada ay kooxuhu ka geysteen falalka argagaxisada ah.
Ra’iisaul wasaaraha ayaa waxaa uu ballanqaaday in dowladdu ay jawaab dag dag ka bixin doonto falalka ay kooxaha nabad diidku ku keceen.