[Mogadishu]
Ra’iisul wasaraaha dalka mudane Xamse Cabdi Barre ayaa war kasoo saaray qarixii saakay kadhacay magaalada Jowhar, ra’iisul wasaaraha ayaa dadka shacabka oga tacsiyeeyey dhibaatadi kasoo gaartay qaraxaas.
Ra’iisul wasaaraha ayaa qadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xussein oo warbixin kasiiyay sida uu qaraxa udhacay iyo goobta uu kadhacayba.
Xamse Cabdi ayaa ubalan qaaday maamulka iyo shacabkaba in uu garab taagnaan doono, sidoo kalana uu gacan ka gaysan doono daryeelka dadkii waxyeeladu kasoo gaartay.