free tracking

Ra’iisul Wasaaraha oo sameyay ballan-qaadyo la xiriira xukuumadiisa

Start
1 min read

[Muqdisho]

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulammo iyo wadatashi la sameynaya qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa  Caawa waxa uu la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay doorkooda ku aaddan kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, amniga iyo dowlad dhisidda.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxa uu kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed, iyaga oona kala hadlay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada, nabadda, dib-u-heshiisiinta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada.

Kulankan oo qeyb ka ah kulamo wadatashi ah oo Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada, si tallooyin kooda loogu kaabo dhismaha dowladnimada, ayuu ku ammaanay Mudane Xamse , haweenka Soomaaliyeed, sida waddaniyadda leh ee ay ugu taagan yihiin horumarinta dalka, ka shaqeynta danta guud iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.