free tracking

Ra’iisul Wasaaraha oo booqday ciidamo loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab

Start
1 min read

[Beledweyne]

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, si ay ugu kuur-galaan xaaladda abaaraha, una dhiirigeliyaan ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya kooxda argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweynta ka dib, kulan la qaatay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda arrimaha bulshada ee magaalada Beledweyne iyo saameynta abaartu ku yeelatay gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay bulshada Beledweyne soo dhaweynta diirran ee u sameeyeen, isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo, isaga oo ammaanay hawlgallada ciidamadu kula dagaallamayaan kooxaha argagixisada, kuwaaas oo ka xorreeyey deegaanno badan.

Xamse Cabdi Barre oo weheliyo Madaxweynaha maamul gobolleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Guudlaawe, ayaa kormeeray Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee la dagaallamaya argagixisada. Isagoo ku tilmaamay ciidanka X.D.S geesiyaal difaacaya Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiinta kala duwan ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo uu ugu horreeyo Madaxwaynaha, Madaxwayne ku-xigeenka, Maamulka Gobolka Hiiraan, Ciidammada qalabka sida iyo dhammaan bulshada qeybahooda kala duwan, Waxaana dhagaystay baahiyaha ay bulshadu qabto” ayuj yiri Raysal wasaare Xamse.

Mudane Xamse ayaa u ballan qaaday in xukuumaddu taageero iyo hiil ay la garab taagan tahay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee isku xil-qaamay sidii ay cadawga u sifeyn lahaayeen gobolka.

“Waxaan marar badan balan qaaday in Xukuumadeyda mudnaanta koowaad siin doonto xoreynta iyo sugidda amniga, waxaan Baledweyne u imid dhiirigalinta iyo garab istaaga dadka deegaankan oo runtii si geesnimo ah ugu istaagay dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaab, waxaad noqon doontaan reer Hiiraan dad lagu dayan doono talaabada aad sameyseen ee ah inaad iska dhicisaan cadawga,” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa amray in si deg deg ah loo bilaabo dhismaha Ceelashii biyaha ay qarxiyeen Al-shabaab ee ku yaala deegaanada hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.