[ KULAN BOOQASHO ]
Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa salaan ugu tagay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Madaxweyne Shariif ka dhageysay talooyin iyo tusaalooyin ku aaddan howlaha horyaalla marka uu hello Kalsoonida golaha shacabka.
Dhankiisa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ka codsanayaa Xildhibaanada sharafta leh in ay siiyaan codka kalsoonida ra’iisulwasaaraha cusub, si uu u soo dhiso xukuumad cusub oo dalka iyo dadka u adeegta, waxaa uuna u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda qaran ee loo idmaday.