Ra’iisul wasaaraha cusub oo la doortay ayaa kulan la yeeshay gudoonka aqalka hoose ee baarlamaanka.
Mudane Xamse ayaa booqasho ugu tagay gudoomiyaha baarlamaanka munadane Aadan Maxamed Nuur Madoobe, isagoona ugu hanbaleeyay xilka cusub lee loo doortay Ra’iisul wasaaraha 21 aad ee uu yeelanayo dalka, Ra’iisul wasaaraha ayaa ka codsaday gudoonka in ay si dhow ula shaqeeyaan una meel mariyaan xukumaadiisa uu soo dhisi doono dhawaan.
Waxay umuuqataa in ra’iisul wasaare Xamse uu bilaabay shaqadiisa tooska ah, waxa uuna wadaa wadahadalo uu layeelanayo madaxda sare ee dalka.