free tracking

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Britain oo lagu dhawaaqay

Start
1 min read

[Britain]

Liz Truss ayaa maanta loo magacaabay inay noqoto ra’iisul wasaare xiga ee Britain, ayada oo ku guuleystay hoggaanka xisbiga talada haya ee Conservative-ka.

Kadib toddobaadyo loolan adag ah, oo siyaasiyiin badan ay u tartameen hoggaanka xisbiga, waxaa tartankii ugu dambeeyey isugu soo haray Liz oo ah wasiirka arrimaha dibedda iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Rishi Sunak.

Codeyn loo qaaday labada xildhibaan ayaa waxaa ku guuleystay Liz Truss oo heshay 81,326 ah codadka xubnaha xisbiga Conservative-ka, halka Rishi Sunak uu ka helay 60,399 cod.

Guusha Liz Truss ayaa ka dhigan in Boris Johnson uu wareejin doono xilka ra’iisul wasaaraha oo lagu qasbay bishii July inuu iska casilo kadib bilo ay hareeyeen fadeexado, islamarkaana uu lumiyey taageerada xisbigiisa.

Johnson ayaa Talaadada u safri doona Scotland oo ay ku sugan tahay boqorad Queen Elizabeth, si uu ugu dhiibo is-casilaaddiisa. Wxaaa kadib boqoradda u tagi doona Liz Truss oo ka codsan doonta inay soo dhisto dowlad.

Truss ayaa ah xoghayaha arrimaha Dibadda ee UK, waana xildhibaan katirsan baarlamaanka Britian sidoo kale waa wasiiro dowlaha  haweenka iyo cadaalada.

Dalka Britain ayaa horey xilka Ra’isul Wasaaraha waxaa marar kala duwan usoo qabtay haween, waxaana dalkaasi siyaasadiisa markan hoggaamin doonta  Liz Truss oo kamid aheyd siyaasiyiinta dalkaasi ugu saameynta badneed.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.