[Nairobi]
Wararka naga soo gaaraya Nairobi ayaa sheegaya in ciidamda police ka iyo rag hubaysan uu weeerar kudhexmaray gudaha caasimada, ragaan oo geysanayay dhac sida ay sheegtay waaxda danbi-baarista Booliska.
Sida ay ku warantay waxaadan raggaan dhaca gaysanayay ayaa gaaraya ilaa 7 dableey, sidoo kale waxaa ay shaacisay in dablaydu da’doodu udhaxayso 18 – 25, kan ugu yar ayaana jiray 18 sano, sida ay ku warantay waaxda danbi baarista.
Howlgalkaan oo ay ciidanku fuliyeen habeenimadii xalay ayay boolisku ku soo heleen 2 bastooladeed, computer laptop ah iyo hanti kale oo ay soo dheceen dablaydan.
Dablaydaan ayaa ayaa waabarigii saaka weeraray ganacsade ku sugnaa xarunta ganacsiga ee looyaqaan Alpha Center ee ku taala wadada Mombasa Road ee magaalada Nairobi, waxay burcadaan afduubteen ganacsadihii, sidoo kalana ka dalbaday lacag madax Furasho ah.