free tracking
//

QORRAXDU MAXAY LA GADUUDATAA SUBAXII IYO GALABTII…

Start
1 min read

waddani times

Haddii aad u fiirsatay qorraxdu subixii iyo galabtiiba way guduudan tahay, Waxa ayna sheegeen dadka cilmiga u leh in qorraxdu ay labadaa xilli ee ay soomaalidu u taqaano labada cir guduud ay tahay wax jira sax ah, baaritaano dheer kadib markii ay ogaadeen sababta ka dambeyso ayee waxa ay ku tilmaameen in ay tahay mid layaab leh.

Culumadii baritaanka waday ayaa Waxa ay sheegeen in labadaa xilli waxa qorraxda guduudiya inay tahay boorka iyo habaaska cas ee dhulka ka kaca ee cirka isku shareera kadibna ay falaaraha cadceeda oo labadaas xilli hooseeya soo dhex maraan/galaan iyaga oo wata Boorka ama Siigadii guduudnayd ee dhulka, kadibna sidaasi is ku badalo midabkii Cadceeda / Qorraxda.

Waxa ayna intaasi ku dareen in markii ay qorraxdu duhurkii gaadhana taasi ay qarsoomeyso, Sababta ayeena ku tilmaameen in ay tahay falaarihii cadceedda in qaab joog qoton ah dhulka ugu dhacayaan markaa aysan macquul aheen in la arko.

Dhanka kale falaarahaas midabka guduudan wata ayaa waxa uu soo muuqdaa marka dhinaca bari ama dhinaca galbeed ay in hal joogeed la eg cadceedu gaarto ayaa waxa soo muuqda guduudka qorraxda.

◇Murti

● Waxa qofka hodan ka dhiga ma ah waxa uu faa’iido ee waa waxa uu kaydsanayo.

● Jiridda yar ayaa geedka ka dhigta mid weyn.

● Daalka iyo kaydkaba qofka wuu hodmiyaa.

● Ha iibsan waxa aad u baahan tahay oo dhan, laakiin iibso waxa aan lagamaarmeyn.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.