free tracking
/

Qorax Madoobaad Maanta laga arki doono meelo ka mid ah caalamka

Start
1 min read

[Somalia]

Qorax madoobaad saameyn doona qeybo ka mid ah caalamka ayaa la filayaa inuu dhaco maanta oo Talaado ah ku beegan 25ka Oktoobar sida ay sheegayaan heyadaha ku xeeldheer culuumta hawada sare.

Meelaha ugu badan ee laga arki doono qorax Madoobaadkan ayaa waxaa ka mid ah Ruushka, Ukraine, Kazakhistan iyo Wadamada Yurub intooda badan isagoo socon doona ugu badnaan Muddo laba saac iyo daqiiqado sida ay sheegtay Heyadda NASA.

Qorax Madoobaadkan Somalia si gaar ah dhanka waqooyi ee Somaliland, Putland, İlaa Hiiraan ayaa laga arki doonaa.

Magaalada Hargeysa ayuu qorax madoobaadkani ka bilaabanayaa duhurkii saacadu marka ay tahay 02:24pm waxaa uuna joogsanaya Salaada casirkii 03:04 sidoo kale degaanada Puntland ayaa muddo kooban laga arki doonaa sida ay sheegayaan Seynisyahanada.

Magaalada Beledwayne muddo 25 daqiiqo ah oo kaliya ayuu qorax madoobaadkani socon doonaa. Wixii Koonfur ka xiga Hiiraan, sida magaalada Muqdisho lagama arki doono qorax madoobaadkani.

Laakiin kani waa mid ka mid ah dhowr nooc oo dayax madoobaad ama qoorax madoobaad ah, Waxaana ay dhacaan marka qorraxda, dayaxa iyo dhulka ay si xarriiq toosan ah isugu aadaan.

Mararka qaar, markii Dayaxu uu ku wareego dhulka, wuxuu ku kala gooshaa Qorraxda iyo meeraheenna dhexdooda, isagoo xiraya iftiinka qorraxda taas oo keenaysa qorrax madoobaad, Si kale haddii loo dhigo, Dayaxu wuxuu hooskiisa ku dabolaa dhulka dushiisa.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.