War xalay kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayuu Ahmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ku sheegay in ay weerarki Baxda ee shalay ku dileen rag ajnabi ah.
Madaxweynuhu waxaa uu sidoo kale xusay in ay rag gaaray 70 dagaalyahan ay ku dileen weerarkaas, dagaalyahanadan 3 kamida waa ajaanib lamana faahfaahin wadamada ay kasoo jeedaan.
Hoos ka aqriso war saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Galmudug:-
Madaxweynaya Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay saaka iskaga difaaceen weerarkii ay argagaxisadu kusoo qaaday degmada Baxdo.