free tracking

Qodobo muhim ah oo lagu hisheeyay Turkiga iyo Somalia

Start
1 min read

[Turkey]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey xarunta madaxtooyada Turkiga ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay garab istaag iyo taageero buuxa u muujisay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilli ay la daala-dhacayeen xaalad adag, iyaga oo u soo gurmaday waqtigii ay ugu baahida badnaayeen.

“Waxaan uga mahadcelinyaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan casuumaaddii uu ii fidiyey, kulankii aan wada qaadannay waxa uu ahaa mid miro-dhal ah, kaas oo aan diiradda ku saarnay xoojinta xiriirka iskaashi iyo danaha labada dal. Waxaan si gaar ah isu dul taagnay kaalinta Turkiga ee gurmadka abaaraha, horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee caafimaadka iyo waxbarashada.”

Madaxweyanha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay dhiggiisa Turkiga kalgacalka ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan dowladda iyo walalohooda Turkiga iyo waliba abaalka ay uga hayaan taageeradooda hagar la’aanta ah.

“Waxaan la wadaagay abaalka ay u hayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed walaalahooda Turkiga oo markasta la garab taagan hiil buuxda”.

Dhinaca kale, dowladda Turkiga waxa ay ballan qaaday in dhawaan safaaradda Soomaaliya ee Ankara ay degi doonto guri ay iyadu leedahay, xilli markii hore ay ku jirtay mid kiro ah. Sidoo kale, labada dowladood waxa ay dhawaan kala saxiixan doonaan heshiisyo ganacsi halka la sii xoojin doono iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.

Madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga ay door muhiim ah ka qaadato xoojinta amniga, tababarridda, tayeynta ciidanka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka argagixisada.“Kulankii aan wada qaadannay aniga iyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxaan isla garanay in la xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada dal iyo wax wada-qabsi, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo dhaqanka, Soomaaliya waxa ay Turkiga u aragta jaal iyo saaxib miisaan leh oo ay kalsooni ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.”Dhankiisa, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha iyo wafdigiisa aqbalaadda casuumaadii uu u fidiyey, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in dowladdiisa ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, xoojinta heshiisyada ganacsiga iyo maalgashiga ka dhaxeeya labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.