[Marka]
Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay dagmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, qaraxaan ayaa lala beegsaday guddoomiyaha dagmada C/laahi Cali Waafoow, Wararka aan helnay ayaa sheegaya in uu guddoomiyaha ku geeriyooday qaraxa, waxaana sidoo kale ku dhintay 11 qof oo kale.
Qaraxa ayaana ka dhacay xarunta maamulka degmada, waxaana fuliyey nin isku soo xiray walxaha qarxa oo beegsaday guddoomiyaha.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali oo war qoraal ah kasoo saaray qaraxan ayaa xaqiijiyey geerida Marxuum C/laahi Cali Waafoow, wuxuuna tacsi u diray guud ahaan dadkii ku dhintay weerarka maanta ka dhacay dagmada Marka.
“Inaalillahi wa inaa ilayhi raajicuun, waxaa muraga la qeybsanaya shacabka degmada Marka oo maanta ka baxay nin qiima badan u lahaa Alla yaa raxma Gudomiye C/laahi Cali Waafoow. Dadkii ku dhintay ilaahay ha u naxriisto dadkii ku dhaawacmayna alle caafimaad degdeg ah ha siiyo,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose.