[Qaanuun]
Maantay waxaan rabaa in aan wax idinka ama aan dib u xasuusiyo kuwagranaya qaanuunkaan awooda uu leeyahay qaanuunkan 80/20 ama aan dib u xasuusiyo dadka garanaya, hadaad ka mid tahay dadka qaanuunka uu shakiga kaga jirana waxaan rajaynayaa in aan shakigaas iyo walaaca faham la’aaneed aan qoraalkaan kaaga saaro.
Qaanuunkan waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Pareto Principle.
Fikradan waa muhiim in aad fahanto sababtoo ah waxay kaa caawineysaa inaad ogaato waxqabadyada aad mudnaanta siineyso si aad saameyn wayn ugu yeelato mid ka mid ah meelaha aad rabto in aad hormar ka gaadho.
Si fudud hadaan udhigo mabda’a Pareto wuxuu kaa caawinayaa inaad hubiso meelaha aad diirada saarayso dadaalkaaga maalinlaha ah.
Si aad uhesho faham balaaran aan ku siiyo tusaalooyin kooban
- 20% danbiilayaasha waxay galaan 80% danbiyada
- 20% ardayda waxay haystaan darajada 80% ama kabadan
- 20% shaqada la qabto waxay abuurtaa 80% natiijada.
sida dabiiciga ah qof walba waxaa uu leeyahay shaqo iyo list maalinla ah, Qaanuunkaana waxaa uu kaa siiciyadaa sidaad ukala qaybin lahayd shaqadaada maalin laha ah adigoo u kala qaadaya labo, waxaadna ufiirinaysaa kan kuugu wanaagsan list-gaaga iyo sidaad ukala hormarin lahayd, adigoo ka bilaabaya kan muhiimada kuu leh dib dhigayana kan muhiimadiisu yartahay, waxaa uu kaa caawinayaa in aad siyaadiso wax soo saarkaaga, sidoo kale waxay hoos udhigaysaa waqtiga lumaya iyo tamartaadaba, qaanuunkaan 20/80 waa midka ugu wanaagsan ee kaa caawin kara in aad guul ka gaarto howlahaaga shaqo ee ku horyaala.
Qaanuunkaan waxaa uu kusaabsanyahay in uu kutuso handitada aad haysato iyo sidaad u isticmaali lahaydba, tusaale ahaan Markaan imtixaan jaamacada ama School caadiga ah aan samaynayno waxaan marka hore aqrinaa cutubyada ugu muhiimsan ee buuga ku dhexjira way noo caalaysanyihiin intaa badan waxaan oganahay in ay ka muhiimsan yihiin cutupyada kale imtixaankana lagu keeni doono intiisa badan, saasay tahayna ma iska indhatirno cutubyada kale ee buuga laakiin si kaduwan kuwaan ayaan ufiirinaa.
qaanuunkaan sidaas ayuu ushaqeeyaa oo waxaan shaqadeena kala siinaa muhiimad kala duwan, waxaa normal ahayn in qof uu waqtigiisa inta badan uu ku mashquulsanyahay shay kadibna ay dhacdo in shaygaas miro dhali waayo, laazim watigiisa ugu badan halkuu kubaxsho waxaa ka imaan doona result wanaagsan.
Si aad u kordhiso wax soo saarkaaga, waxaad isticmaali kartaa 80/20 si aan diirada usaarto tasks aad doonayso in aad dhamayso inta aad ku guda jirto maalinkaaga.
Fikradaan ayaa ku salaysan liiskaaga shaqooyin ee maalinki ku horyaala, 20% aad dhamayso liiskaaga ayaa keenaysa natiijo 80% ah taasoo micneheedu yahay in aad liiskaaga shaqo ka gaartay hormar balaaran.
si aad ugu guulaysato howlagaaga shaqo ee ku horyaala, marka hore list-ga mashruucyada ku horyaala fiiri kadib ka bilaaw kuwa ugu yaryar intaadan wax kale samayn, kolkaa kadib aad kuwa waawayn adigoo ufiirinaya sida ay ukala muhiimsanyihiin.
sidaan horay usoo sheegay qaanuunkaan ayaa kuu dhowraya waqti badan oo kaa lumi lahaa iyo sidoo kale in aad noqoto qof leh hal abuur iyo wax soo saar.
waxaan rajaynaa in aad fahamtahay qaanuunkaan 80/20, waxaa rajayn in aad ushare garayn doonto dadka aad lajeceshahay in ay helaan faham ku salaysan qaanuunkaa.