free tracking
//

Putin oo ku hanjabay in uu adeegsan doono hubka Nuclearka iyo Biden oo jawaab dhiibay

Start
1 min read

[Dibada-News]

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa horay u iclaamiyay in uu aad oga xunyahay duulaanka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine, iyadoo hogaamiyaha dalka Ruushka Mudane Putin uu kor u siiqaaday dagaalka uu ku qaaday Ukaine, sidoo kalana ku hanjabay in uu adeegsan doono hubka aadka u halista badan ee Nuclearka.
mar uu hadlayay madaxweynaha Maraykanka mudane Biden ayuu yiri “Aan si cad u hadalno. Xubin joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku duulaysa dal deriskooda ah, iskuna dayaysa inay dal madax banaan ka tirtiraan khariiradda caalamka”, waxaa uuna sidoo kale sii raaciyay “Ruushku wuxuu si xishood la’aan ah ugu xadgudbay mabaadi’da aasaasiga ah ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaasoo si cad u mamnuucaya in wadamadu ay qaataan dhul ka mida dalalka deriskooda ah”.
Xiisaddii dagaal ee ugu weynayd ayaa ka taagan dalka Ukraine, tan iyo markii uu bilaabmay duullaanka Ruushku bishii February 24-keedii, saacado ka hor intii aanay madaxda caalamku imanin kulanka ka socda xarunta Qaramada Midoobay, Putin oo ku sugan Moscow ayaa ku dhawaaqay abaabulka qayb ka mida ciidamada milateriga ee dalkaas, iyadoo Puntin uu u yeeray illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, wuxuuna wacad ku maray inuu tixgelin doono dhammaan xulashooyinka horyaalla, si loo ilaaliyo waxa uu ugu yeeray dhulka Ruushka, isagoo kor u qaaday walaaca laga qabo inuu isticmaalo weerar dhinaca Nukliyeerka ah.
“Haddii midnimada dhuleed ee dalkeena khatar la geliyo, waxaa shaki la’aan ah inaan isticmaali doonno dhammaan hababka kala duwan ee la heli karo, si aan u ilaalino dalka Ruushka iyo dadkeenaba – tani maaha kaftan” ayuu yidhi madaxweyne Putin oo khudbad ka jeediyey telefiishanka.
Madaxweyne Biden ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay “hanjabaadda nukliyeerka ee cad ee ka dhanka ah Yurub”, isagoo ku tilmaamay inay tahay “Masuuliyad darro ka dhan ah, heshiisyadii lagu xadidayey faafista hubka nukliyeerka”, taasoo heshiisyo badan oo caalami ahi ay mamnuucayaan in la isticmaalo hubka Nukliyeerka.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.