free tracking
/

Omni-channel Waa maxay sababta uu maantay uga muhiimsan yahay abid

Ugu horayn waa maxay Omi-Channel customer experience?

Start
2 mins read

waa istaraajiyad kanaal oo lagu hormariyo ama loo isticmaalo si loo wanaajiyo xiriirka kaala dhexeeya customer-kaaga iyo waayo aragnimada macmiilka oo loo weeciyo in ay noqoto mid wanaagsan.

macquul in aadan aad ufahamin oo sharaxaadayda gaaban ku fahmi waysay, hadaba aan ku siiyo tusaalooyin laga yaabee in ay kaa saacidaan fahamka arintaan.

tusaale :- ka fikir Netfilex Amazon, iyo sidoo kale Starbucks intaan oo shirkadood waxaa ay si isku mida ugu xiranyihiin internet ka hadday noqoto Web-ka, Mobile-ka, digital-ka voice iyo Email-kaba, haduu uu rabo macmiilka in uu ka guuru mid ka mida shirkadahaan una guuro mid kale waxaa uu arkayaa kibrad isku mid ah, yacnii kuma wareerayo isticamaalkooda oo waa wax uu horay ugu soo arkay shirkad kale.

dhworkii sano ee lasoo dhaafay majirin istaraajiyad ama fikrad lays dhihi karo waxay keentay guul kolkii lagu apply gareeyay shirkado kala duwan, laakiin waxaa hubaal noqotay in Omni-Channel marketing uu noqday kan ugu wanaagsan ee lawada arkay guushiisa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

sidaan horay ugu soo sheegnay Omni channel waxaa uu shirkada u sahlayaa in macaamiishooda ay wadooyin kala duwan ula macaamilaan ama kanaalo kala duwan kala xiriiraan haday noqon lahayd taleephanka gacanta, E-mail iyo Live chat ahba iyadoo intaas oo kanal si isku mid ah loo maamulayo.

Social media waxaa la ogaaday in uu yanay kanaal micno wayn leh sidoo kalana abuuraya is-dhexgal macno samaynaya, mar ka fakar, waqti badan ayaan ku bixinaa baraha bulshada, waxaan is dhaafsanaa xog badan waxaan wadaagnaa sawiro iyo updates ku saabsan aaladaha sida Instagram iyo Facebook, waxaan sidoo kale fikrado ku ku wadaagnaa Twitter-ka, sidoo kale waxaan professional network ku leenahay aalada loo yaqaan Linkdln, hadaan warka soo koobo dhamaanteen waxaan ku noolnahay nolo digital ah.

Sida aan ka soo xiganay Business Reniew ay jamacada Harvard University samaysay macaamiisha Omni-channel waxay ku bixiyaan 4% in kabadan adeegii ay u yimaadeen dukaanka, halka in kabada 10% boqolkiiba ku bixiyaan suuqa online ka ah, kanaal kasta oo ay isticmaalaan macaamiishu waxay ku kharash gareeyaa lacag ka badan budget koodi hore.

Dhanka kale, sida aan kasoo xiganay Forbes, 80 boqolkiiba ganacsiyada waxay aaminsan yihiin inay bixiyaan adeeg macaamiil oo heer sare ah, halka laakiin kaliya 8 boqolkiiba macaamiisha ay sidaas aaminsanyihiin.

maantay dunida waa ay isbadashay waxaana loo guuray teknoolajiyada sidoo kale tirada Kanaalada ayaa siyaado ku socda dhawaanahan, kaliya shan sano ka hor Facebook wuxuu ahaa kanaalka ugu horreeyay uguna balaarnaa oo ay ganacsatado mar walba ka fakiri jirtay, waxaadan waagaas Instagram ku samayn karin xayaysiis balse iminka waxaad jira fursad taas ka balaaran oo Instagram waxaa uu noqday shirkada ugu wayn ee aan ku samayn karno balaarinta ganacsiyadeena, inkastoo iminka TikTok la moodu in uu lawareegayo jawiga oo ay fududahay in aad hesho macaamiil farbadan.

Ka muuqo halka ay macaamiishu joogto

macaamiishaada waxaad ula xariiri kartaa siyaabo farabada oo misana kala duwan adigoo isticmaali kara social media, waxaad u diri kartaa fariin qoraaleed ku saabsan ganacsigaaga waxaad u abuuri kartaa pages ama guruubyo adigoo isticmaali kara Kanaaladaan Facebook, TikTok iyo instagram-kaba.

kolkaad sidaas samayso waxaa dhacaysa in macaamiisha aad usoo dhawayso shirkadaada, waxaa sidaas ku kordhaaya isdhexgalkiina kasoo ka dib noqonaya mid micno kuugu fadhiya, macaamiishaadana waxaad usamaynaysaa micno gooni ah, products kaaga cusub iyo qiima dhimistaad samayso ka sii update macaamisha adigoo umaray kanaalada aan soo xusnay, intaas waxaa ay abuuraysaa in macmiilka iyo shirkadaadu saaxiibo yihiin.

Suuqa caalamiga ah ee tafaariiqda omnichannel ayaa la filayaa inuu kordho $11.1 bilyan sanadaan 2023 waa sida laga soo xigtay Mustaqbalka Cilmibaarista Suuqa, iyagoo sidoo kale xusaya in qodobbada muhiimka ah ee horseedaya kobaca suuqa ganacsiga tafaariiqda omnichannel ay yihiin kor u kaca ganacsiga E-commerce ee wax iibsiga khadka tooska ah (online) iyo kor u kaca qaadista taleefannada smart iyo tablets -kaba.

Ku bilaaw maalintaada habraaca wararka ku salaysan DhaqaalahaGanacsigayadaMaaliyadaCaafimaadka iyo Teknoolajiyada.

Si aysan kuu dhaafin daabacadeena fadlan halkaan hoose noogu reeb E-mailkaaga — Mahadsanid 🖤

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.