free tracking

Nin Falastiini ah oo Qudus ka fuliyey weerar qasaaro badan geestay

Start
1 min read

Nin hubeysan oo Falastiin kasoo jeeda ayaa toddoba qof dilay saddex kalena ku dhaawacay banaanka kaniisada Yahuudda oo ku taalay magaalada Qudus, ninkani ayaa fuliyey mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee mudoyinkan lala beegsado Israa’iiliyiinta, weerarkan ayaa ku soo aadaya iyada oo ciidamada Israa’iil ay sagaal qof ku dileen weerar ay ku qaadeen Daanta Galbeed, halka ciidamada Falastiin ay gantaallo jawaab ah kasoo tureen Gaza.

Booliska ayaa asheegay in “qiyaastii 8:15 pm uu nin hubeysan yimid aagga waddada Neve Yaakov ee magaalada Qudus kadibna uu billaabay inuu toogto dad goobta ku sugnaa, Waxa ay intaas ku dareen in ninka weerarka fuliyey uu goobta ka baxsaday balse durba la daba-galay ugu dambeynna la toogtay kadib rasaas ay isdhaaf-sadeen isaga iyo booliska”.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in madaxweyne Biden uu cambaareeyey weerarka, kuna amray kooxdiisa amniga qaranka inay caawimaad siiyaan dhiggooda Israel.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.