[Kenya]
Waqtiga ayaa ciriiri ku ah Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha ee Kenya (IEBC) oo laga sugayo ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxtinimada. Berri ayay ugu eg tahay waqtiga kama dambeysta ah ee uu dastuurku u oggolaanayo shaacinta natiijada.
Natiijooyin hordhac ah oo uu soo saaray guddiga IEBC ayaa muujinaya in ay aad isugu dhow yihiin labada murashax madaxweyne ee kala ah madaxweyne ku-xigeenka xilka dhameysanaya William Ruto iyo raysul wasaarihii hore Raila Odinga.
Waxaa isa soo taraya rajada laga qabo in dhowaan la ogaan doono natiijada la wada sugayo ee doorashadii madaxtinnimo ee Kenya ee qabsoontay toddobaadkii hore, waxaana suuragal ah in Maanta gelinka dambe lagu dhawaaqo.
Miisaska loo isticmaalay in lagu xaqiijiyo natiijooyinka ayaa la nadiifiyay, waxaana xarunta codbixinta qaranka looga diyaar-garoobayaa in lagu dhawaaqo natiijada kama dambeysta ah.
Guddiga Doorashooyinka oo lagu dhaliilay inuu la raagay natiijada ayaa sheegay in uu si taxaddar leh u hubiyo natiijooyinka iyagoo u eegaya deegaan-doorashooyinka si ay uga fogaadaan soo noqoshada qaladaad horay u dhacay.