Waxaa kulan yeeshay safiirada caalamka ufadhiya dalkeena iyo madaxweynaha qaran ka Somalia mudanne Hassan Sheikh Mahamud.
Waxaa uu madaxweynuhu kala hadlay safiirada qaarkood in ay si daahfuran iyo hufnaan ay kujirto ugu adeegaan jaaliyadaha Soomaalida ee kunool dunida dacaladeeda.
Waxaa sidoo kale danjiraashu madaxweynuha siiyeen warbixin ku saabsan xaaladaha ay ku shaqeeyaan safaaradaha Somalia ee dibada iyo sidoo kale jaaliyadaha kala duwan ee ku dhaqan daafaha caalaamka, waxayna xoojiyeen hiigsiga madaxweynaha qaranka ee ah Saamaali hishiish ah, dunidana hishiish la ah.
Waxaa kulan dhacay joob joog ka ahaa wasiiru dowlaha arimaha dibadda jamhuuriyada Somalia mundane Balal Maxamed iyo sidoo kale xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arimaha dibada mudane Maxamed Cali.