free tracking
//

Muxuu ku ahaa kulanki lagu sheegay in uu ahaa mid mira dhal ah

Start
1 min read

Addis-ababa

Sebteembar 28, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa wadahadallo laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Golehiisa Xukuumadda.

Labada Hoggaamiye ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaan la siinayo horumarka iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika, lana sii amba-qaadayo iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya Labada shacab ee dariska ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay duruufaha xiriira ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal, gaar ahaan abaaraha iyo ammaanka, isagoo soo bandhigay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan Soomaali heshiis la ah dariskeeda, dhiirri gelinaysana iskaashiga iyo wax-wada qabsiga, si looga gudbo saboolnimada iyo xasillooni darrada.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa xaqiijiyay in Itoobiya ay diyaar u tahay xoojinta wada shaqeynta kala dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah diiradda u saaray kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida, isagoo adkeeyey muhiimadda dalkiisa ay u leedahay Soomaaliya deggan oo leh dowlad xooggan.

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Madaxweynaha ku weheliyo boqashadan ayaa la yeeshay dhiggooda dalka Itoobiya kulan wadareed lagu lafa-gurayey aayaha xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaan adkeynta amniga iyo danaha ka dhexeeya.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.