free tracking

Mid kamida suuqyada Muqdisho oo gubanaya

Start
1 min read

[Muqdisho]

Wararka laga helayo gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dab xoogan oo geystay khasaare hantiyeed uu ka kacay Suuqa degmada Dharkenley ee loo yaqaanno Suuq Boocle.

Dabka oo ka dhashay Koronto ayaa baabi’iyey goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqaas, kaas oo mar dambe ay ku guuleysteen inay damiyeen gaadiidka dab damiska ah.

Mid ka mid ah ganacsatada ku hanti beeshay dabkaasi oo la hadlay Waddani Times  ayaa shaaciyey inay gubteen ugu yaraan illaa 50 dukaan oo ku yaallay gudaha Suuqaasi.

“Wallaahi cadada ma sheegi karo, laakiin waxaa qiyaasayaa illaa 50 daba-kaanyo way dhan tahay halaha hadda gubatay,” ayuu ku yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuq Boocle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu saacado badan socday dabka, wuxuuna sababta ku sheegay in gaadiidka gurmadka deg-degga ah ay waayeen waddo ay ka galaan Suuqa.

“Suuqaan isaga dhan jidad ma leh Bajaaj xittaa ma soo dhex-geli karto oo dadkii ayaa ganacsigiisii waddada lee ayuu noqday, sidaas ayaa keentay,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Sidoo kale dabkan oo ahaa mid xoogan ayaa saameeyey qaybta qudaarka ee Suuq Boocle oo iyadana gubatay, sida ay sheegtay mid ka mid ah hooyooyinka ku ganacsada halkaasi.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.