[Kenya]
Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa goordhaw go’aamisay in sax tahay hannaankii loo maray doorashadii guud ee dalkaasi, gaar ahaan tan Madaxweynaha oo guddiga doorashada horey u shaaciyeen in uu ku guuleestay William Ruto.
Dhammaan garsoorayaasha Maxkamadda oo ay hoggaamineysay guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome ayaa isku raacay in la tuuro codsiga isbahaysiga Azimio la Umoja ee Odinga, oo ku dooday in ku dhowaaqista Ruto ee madaxweynaha Kenya ay tahay mid aan waxba ka jirin.
Maxkamadda Sare ayaa sheegtay inaysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya inay doorashada ka dhaceen khaladaad beddeli karay natiijada.
“Kani waa go’aan loo wada dhan yahay. Dhammaan codsiyadii waa lagu gacan sayray, sidaas darteed, waxaan halkan uga dhowaaqeynaa in Ruto uu yahay madaxweynaha la doortay,” ayey tiri guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome.
Shacabka dalka Kenya ayaa maanta si weyn u sugayay go’aanka maxkamadda sare ka gaareesay dacwada doorashada, waxaana maanta si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee dalka Kenya gaar ahaan caasimadda Nairobi.
Dhanka kale taageerayaasha William Ruto ayaa si weyn ugu farxay una soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda, waxaa sidoo kale go’aankan ka naxay taageerayaasha Odinga oo laga cabsi qabo in meelaha qaar rabshado ka sameeyaan.