free tracking

Maxkamada Hindia oo amar dul dhigtayn haweeynadyi Nabiga [NNKH] aflagaadaysay

Start
1 min read

[Hindia]

Maxkamadda sare ee dalka Hindiya ayaa amar ku bixisay in afhayeenki hore ee Xisbiga BJP Nupur Sharma ay telefishinka qaranka ee dalkaas iyadoo ka soo muuqaneysa ay raalligelin rasmi ah ka bixiso aflagaaddadi ay Nabiga (NNKH) u geysatay.

Maxkamadda sare ee dalka Hindiya oo maanta dhageysatay dacwadda aflagaaddadii ay Nabi Muxammed (NNKH) u geysatay haweeneydaas ayaa bixisay amar aysan Sharma ku farxin.

Dhegeysiga dacwadda oo uu horkacayay garsooraha maxkamadda sare Surya Kant, waxaa goobjoog ka ahaa xubno Xisbiga BJP ka tirsan.

Maxkamaddu waxay sheegtay, “Carrabka Sharma inuu sibaday. Ereyadii foosha xumaa oo ka soo yeerayna ay gilgileen dalka Hindiya oo dhan. Ugu dambeyntiina, waxaa ka dhashay falal ay ka mid yihiin dilkii ka dhacay magaalada Udaipur.”

Qareenka u doodaya Napur Sharma wuxuu maxkamadda horteeda ka sheegay “inay markiiba raalligelin ka bixisay, ayna codsatay qaladka ka dhacay in laga cafiyo.

Maxkamaddu waxay sidoo kale sheegtay, “Waqti dheer inay ku qaadatay raalligelin inay bixiso. Iyadoo raalligelinteeda ay shuruud la socotay. Hadalladeeduna ay ahaayeen kuwo uu kibir ka muuqday. Marka waa inay telefishinka qaranka hortagtaa oo ay raalligelin rasmi ah bixisaa. Mana aha inay arrinta dhayalsato, maaddaama ay afhayeen u tahay xisbi dhan.”

“Baaritaanka iyo dacwadda ku saabsan aflagaaddada loo geystay Nabi Muxammed (NNKH) ee haatan socda, waan sii wadi doonnaa,” ayay tiri maxkamaddu

Hindiya waxay toddobaadyadii u dambeeysay wajaheysay cadaadis diblumaasiyadeed oo ka dhashay hadallo muran badan dhaliyay oo sarkaal sare oo xubin ka ah xisbiga maamulka dalkaas haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ay ku aflagadeysay Nebi Muxamed (NNKH).

Nupur Sharma ayaa 21 maalin ka hor ku kacday gefkaasi, kaddib markii ay ka qaybgashay dood TV, arrintaasi oo ka careysiisay Muslimiinta Hindiya, iyo in ka badan 12 dowlad oo Muslim ah.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.