Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa soo saartay baaq ay aad oga xuntahay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Soo kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawac dadka deegaanka soo gaaray.
qoraalka kasoo baxay beesha caalamka waxaa ay xuseen in nabada iyo xasiloonida tahay waajibka koowaad ee saaran bulshada, sidoo kalana gacan xoogleh laga gaysto dib usoo celinta xasiloonidii deegaanka.

Warkaan ayaa kusoo aaday, iyadoo magaalada Laascaanood uu muddo todobaad ah ka socdo mudaharaad loogasoo horjeedo Somaliland, kaasoo u muuqda mid sii xooggaysanaya.
Illaa iyo hadda laguma guulaysan in dadweynaha lagu qanciyo inay isdajiyaan. Dadku waxay aad uga kaceen dilalka magaalada kusoo noqnoqday oo aysan jirin cid loo qabtay.
Dhimashada dadka rayidka ah ayaa kor usii kacaysa, Somaliland waxay weli iskudayaysaa in hab militari lagu xalliyo xaaladda cakiran ee laascaanood ka jirta, balse way ugasii dartaa.
waxaa deegaanka wali ka socda banaanbaxyo waawayn oo lagu dalbanaayo in Soomaaliland ka baxdo gobolka.
ku bilaaw maalintaada habraaca wararka kusalaysan dhaqaalaha, ganacisiga, caafimaadka iyo Teknoolajiya—- si ayasan kuu dhaafin E-mali kaaga halkaan hoose noogu reeb — Mahadsanid 🖤