free tracking

Maxabiis dil lagu xukumay oo xabsiga ka baxsaday

Start
1 min read

[Puntland]

Wararka ka imaanaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay xabsi kuyaalla magaaladasai ka baxsadeen maxaabiis loo heestay in ay katirsan yihiin Al Shabaab, kuwaa oo qaarkood xukun dil ah lagu riday.

Maxaabiista baxsatay oo jabiyey qolkii ay ku xirnaayeen ayaa tiradooda lagu sheegay illaa 7 ruux, sida ayu xaqiijiyeen Waddani times Sarakiisha qabilsan dhanka amniga.

Booliska Puntland ee Gaalkacyo ayaa shaaciyey in mid ka mid ahaa raggaasi ay toogasho ku dileen, saddex ka mid ahna ay gacanta ku dhigeen oona mid kamid ah dhaawac yahay, halka saddex kalena ay baxsadeen.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa shaaca ka qaaday magacyada maxaabiista u xirnaa Al-Shabaabnimada ee fakaday, kuwaas oo kala ah:- 
1-Xasan Isaaq Maxamed
2-Maxamed Cali Maxamed (Istakin)  
3-Liban Ciise Cali (Madax-kariye)
Kuwaas oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen kooxihii dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo.

Raggaan saddexda ah oo ay horey dilka ugu xukuntay maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale midkiiba la dul-dhigay lacag dhan $2,000 oo la siinayo ciddii soo sheegta, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxay taliska booliska.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.