[Mogadishu]
waxaa markii ugu horaysay uu afahayeenka madaxtooyada Cabdikariim Cali Kaar uu ka hadlay xaalda caafimaad ee madaxewnaha Soomaaliya mudane Xassan Sheikh Maxamuud.
afahayeenka madaxtooyadu waxaa uu sheegay in madaxweynuha xaaladiisa ay aad u wanaagsantahay, shaqadiisana uu si normal ah uwato, waxaa uu intaas ku daray in maantay oo talaada ah lagu samayn doono madaxweynaha baaritaan guud.
Dhakhaatiirta ayaa talooyin caafimaad siinaya Madaxweynaha,iyadoo xafiiskiisa uu shaqada uwato tilmaamaha lagama maar maanka ah isagoo raacaya.
Dhanka kale Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo wariyeyaasha Muqdisho su’aalo weydiiyeen halka ay ku dambeeyaan dhalinyaradii tababarka loo qaaday Dalka Eritrea, ayaa sheegay in Waalidiintooda lala fadhiisan doono islamarkaana xogta dowladda ay heyso la wadaagi doonto.