warar hoose oo aan helnay ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed wajahayo culayso aad ufarabadan kuwaas oo looga hortagayo in uu ku darsado sanad kale maamulka, culayskaan ayaa oga imaanaya madaxtooyada Soomaaliya.
xog hoose ayaa noo sheegaysa in Madaxtooyada Soomaaliya ay xilkaan la rabto oo ay dadaal ugu jirto taliyaha hay’adda NISA, xilka hay’addana loo magacaabo shaqsi kale.
sidoo kale waxaa dadaal asna dhankiisa kawada Madaxweyne Qoor Qoor oo isna lakulmaya dadka deegaanka, Qoor Qoor ayaa garab kahelaya Nabad iyo Nolol oo iyagana ka shaqaynaya in ay kala dhantaalaan dadaalka Villa Soomaaliya ee ku doonayso in Mahad Salaad xilkaas loo doorto.
dadka deegaan kuma qanacsana in Mahad Salaad u noqdo madaxweynaha xiga iyagoo sheegay in uu iminka duulaan ku yahay maamulka garabna ka haysto Axmed Madoobe.
lama oga siday wax udhici doonaan laakiin Mahad Salaad ayaa isna wadaa dadaal iyo kulamo kuwas oo ku raadinayo taageero ay siiyaan
ku bilaaw maalintaada habraaca wararka kusalaysan dhaqaalaha, ganacisiga, caafimaadka iyo Teknoolajiya—- si ayasan kuu dhaafin E-mali kaaga halkaan hoose noogu reeb — Mahadsanid 🖤