free tracking

Mahad Salaad oo go’aan culus ka qaatay shaqaalaha NISA 

Start
1 min read

[Mogadishu]

Warar ay noo xaqiijiyeen ila muhiim ah oo katirsan Hay’adda NISA ayaa sheegaya in isbadel lagu sameeyay qaabkii ay ciidamada iyo saraakiisha Hay’adda u shaqayn jireen tan iyo marki hogaanka uu la wareegay taliyaha hay’adda Mahad Salaad.

Agaasimaha hay’adda ayaa tan iyo markii ladoortay iska qariyay warbaahinta iyo baraha bulshada, kaasoo awal looga bartay in uu ka hadlo baraha bulshada iyo TV-yada.

Agaasimaha ayaa dalacsiiyay dhalinyaro badan oo katirsan NISA, kuwaas oo isugu jira kuwa cusub iyo kuwa horay oga shaqayn jiray Hay’adda wollow lagu xanto in ay isku hayb ama qabiil yihiin Agaasimaha.

Waxaa sidoo kale hoos loo dhigay mushaaraadka ay qaadan jireen saraakiisha ciidamada ee darajada aqoonta lagu kala xulan jiray.

Shaqaalihii wata darajada master degree waxaa iminka mushaarkiisa laga dhigay $550, halkii uu awal qaadan jiray $1000 ilaa $1500 oo dollar.

Sidoo kale shaqaalihi wata shahaadada Degree waxaa laga dhigay $350, halkii uu awal qaadan jiray $700 ilaa $1000 dollar.

Sidoo kale shaqaalaha kale ee lagu xulan jiray aqoontooda iyo xirfadooda waxaa lacagtooda laga dhigay $200 dollar, halkii ay awal qaadan jireen $500 ilaa $1000 dollar, lacagta hadda laga dhigay waa mid ay dhamaantood ka simnaan doonaan.

Agasimaha cusub ayaa meesha ka saaray shidaal ay lahaayeen saraakiisha ama shaqaalah howlgabka ah, inkastoo aan la ogayn meesha ay aadi doonto lacagtaas maadaama miisaaniyadii udanbaysay ee dowlada Somalia sanadkaan 2022 lagu ansixiyay sidoo kalana loo kordhiyay miisaaniyada kubaxaysa hay’adda NISA.

Lama oga wax keenay go’aamadaan uu qaatay, lkn dadka wax ka qora arimahaan ayaa sheegaya in Mahad Salad iyo saaxiibadiisu ay ka samayn doonaan lacago fara badan, iyadoo uu yaryahay isla xisaabtanka maa daama uu dalka maamulo hal xisbi, Agaasimahuna uu ka mid yahay Xisbiga talada haya. 

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.