free tracking

MAGACABISTA RA’IISUL WASAARAHA CUSUB EE DALKA

Start
1 min read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane

Xasan Sheekh Maxamuud oo si waafaqsan qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ugu magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka in ay degdeg u ansixiyaan, si uu uga howl galo arrimaha hortabinta u leh dowladdnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre In uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa xoojinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dowladnimada dalka, sidoo kalena hagaajisa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ku takhasusay culuumta maamulka ayaa ka soo shaqeeyey arrimaha dastuurka, waxbarashada iyo dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo khibrad weyn u leh geeddi socodka siyaasadda dalka iyo dib u heshiisiinta, waxa uuna ka mid yahay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee u istaagay samatabixinta waxbarashada dalka, kaddib burburkii dowladdii dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday shacabka Soomaliyeed in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla, isaga oo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyadda culus ee lagu aaminay.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.