[Muqdisho]
Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga daba- galka & xaqiiqa raadinta xisaab xirkii 4tii sano ee u dambeysay. 2018, 2019, 2020, 2021
Xubnaha la magacaabay oo ka kooban 7 xubnood oo ah isku dhaf labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa kala ah:-
1. Senator Cabdixakiin Macalin Axmed
2. Senator Siciid Cabdi Xuseen Cawke
3. Xildhibaan Saciid Maxamed Cali
4. Xildhiban Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene
5. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cadde ( Cabdow)
6. Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi
7. Xildhibaan Cabdiqafaar Cilmi Xaange
Magacaabista guddigaan ayaa imaneysa ayada oo maanta Labada Aqal ee Baarlamaanka ay meel-mariyeen Miisaaniyadda sanadka 2022-ka, kaddib saddex maalmood oo dood adag ka socotay, waxaana warbixinta ay soo gudbiyeen Guddiga KMG Maaliyadda ee loo saaray Miisaaniyadda ku jirtay talo soo jeedin ku saabsan in dib u eegis lagu sameyn karo.