free tracking

Madaxweyne Xassan Sheikh oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Jabauuti iyo ..

Start
1 min read

[Jabuuti]

Madaxweynaha jamahuuriyada Soomaaliya mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxaa uu socdaal kumarayay dalalka qaarada Africa, qaasatan kuwa dariska nala ah, socdaalkaan uu madaxweynuhu ku marayo wadamada dariska ayaa looga gonleeyahay xoojinta xariirka uu wadankeena la leeyahay wadamada dariska ah.

Shalay ayay ahayd kolkuu gaaray dalka Kenya, halkaas oo ay kadheceen kulamo kala duman hishiisyana lagu saxiixay oo ay kamin ahaayeen furida qaadka iyo dhoofinta fish ka Somalia.

Madaxweynaha ayaa maantay dalka kusoo laabtay isla markiina udhoofay dalka Jabuuti, wafdiga madaxeynaha waxaa soo dhaweeyay madaxeynaha dalka Jabuuti Ismacil Cumar Geele, iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada dalkaas.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud ayaa dowlada Jabuuti iyo Shacabkeeda oga mahadceliyay soo dhawaynta ay u sameen, waxaa uuna tilmaamay in booqashadaan ay bilow fiican utahay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal, loona adkayn lahaa tiirarka adag ee dhaqan, dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxeynaha ayaa kulano kala duman la qaadan doona madaxda dalkaas inta uu joogo Jabuuti.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.