free tracking

Madaxweyne Xassan Sheekh oo booqday warshada hubka soo saarta ee Uganda

Start
1 min read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan dalka Unganda ayaa booqday deegaanka Nakasongola oo ay ku yaallaan Warshadaha Luwero ee soo saara qalabka Ciidamada Milateriga ee Uganda.

Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Uganda ku bogaadiyey dadaallada wax ku oolka ah ee ay ku bixinayaan kobcinta wax-soosaarka iyo warshadaha dalkooda, taas oo dhiirri gelinaysa dalalka Gobolka iyo hal abuurka Shucuubta Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda iyo guud ahaan gobolka ay door firfircoon ku leeyihiin ganacsiga iyo wax-soosaarka Warshadaha dalalkan, waxa uuna ugu baaqay in dowladda Soomaaliya ku garab istaagaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacasiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalkeenna.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku wehelinayey booqashadan, waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Danjiraha dalkeenna u fadhiya Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.