free tracking

Madaxweyne Xassan: “Masuuliyadda aad qaadeen waa mid taariikhi ah oo..

Start
1 min read

[News-Mogadishu]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabadda gunaanadka Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay shaqooyinka baaxadda leh ee shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan Xukuumadda iyo rajada ay ka qabaan in ay u horseeddo xasilloni, amni iyo horumar.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey Golaha Wasiirrada in ay si daacadnimo leh ugu adeegaan dalkooda, mudnaanta koowaadna siiyaan xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed.

“Masuuliyadda aad qaaddeen waa mid taariikhi ah oo horseedi karta samata-bixinta shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, taasna waxaan ku gaari karnaa in aan mideyno cududda iyo caqliga, una wada istaagno sidii aan dalka  uga saari lahayn abaaraha, colaadaha iyo amni darrada”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Kuxigeenkiisa Mudane Saalax Axmed Jaamac dadaalka ay ku bixinayaan hirgelinta qorshaha dowladda ee Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah, barnaamijkaas oo fulintiisu ay shacabka Soomaaliyeed u noqonayso naruuro ay ku diirsadaan.

Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu caawa soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, ayaa Golaha Xukuumaddu waxa ay ku lafa-gureen howllaha hortabinta u leh xukuumadda, hannaanka wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka, dib u eegista Dastuurka, amniga iyo xasillinta dalka, caddaaladda iyo garsoorka, horumarinta Dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada  bulshada.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.