free tracking

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka bogsaday xanuunka COVID-19

Start
1 min read

[Muqdisho]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed farriin ku saabsan xaaladdiisa caafimaad, waxa uuna uga mahad-celiyey ducada iyo dareenka ay u muujiyeen muddadii uu u hoggaansanaa habraaca iyo talooyinka bahda caafimaadka ee COVID-19.

Madaxweynaha ayaa sheegay in baaritaannada caafimaad ee la xiriira COVID-19 ee laga qaaday ay muujinayaan in laga waayey, sidaas awgeedna uu dib u fariisan doono xafiiska, si uu u dardar geliyo shaqada qaranka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadaha todobaadka xorriyadda dalkeenna, waxa uuna ku boorriyey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samata-bixin lahaayeen dadkeenna dhibaateysan ee ay abaaruhu saameeyeen.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre kalsoonida uu ka helay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo in uu la wareegay xilka Ra’iisul wasaarennimo, waxa ayna wadajir u kormeereyn Madaxtooyada qaranka, gaar ahaan qeybaha jimicsiga iyo beeraha.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.