free tracking
/

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shuruudo adag ku xiray dalab uga yimid Imaaradka Carabta 

Start
2 mins read

[Somalia & UAE]

19 June 2022, wafti uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gaaray Imaaraadka, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaas, Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, qorshuhu wuxuu ahaa in labada Madaxweyne is arkaan galinka danbe ee 20-ka Juun si waqtiga safarku u soo gabagaboobo galinka hore ee maalin kadib.

Inkastoo ay jiraan xogo tilmaamaya in waftigu la dhibaatooday Fayriska COVID-19, taasina sababtay in waqtigii loogu tala-galay safarka uu dheeraaday, haddana ilo diblumaasiyadeed ayaa KON, u xaqiijiyay in ay jireen caqabado kale, kuwaas oo horseeday, in socdaal labo cisho loo qorsheeyay qaato muddo shan maalin ah.

20-kii Juun, Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Imaaraadka Shakhbout Bin Nahyaan, ayaa MW-naha Soomaaliya la wadaagay waraaq ay ku qoran yihiin shuruudo ka yimid Maxamed Bin Zayed, waxaana waftiga ka socday Soomaaliya loo sheegay in ay labo cisho ka fagaraan shuruudahas, ka hor inta aysan la kulmin Al Nahyan.

SHURUUDAHA;

Shuruudaha waxaa ku jira, in shikadda DP World ee dalkaas laga leeyahay, loo saxiixo in gacanta ku heyso dekedaha Kismaayo, Boosaaso iyo Barbara muddo 30 sano ah iyo in Dowladda Soomaaliya xoogga saarto xaqiijinta amniga gobolka Shabeellaha hoose, si Shirkaddu u sal-dhigato dekedda magaalada Baraawe, si la mid ah kuwa kale.

Sidoo kale, shurudaha la hor dhigay Soomaaliya waxaa ka mid ah, in shirkad kale oo magaceeda aan helin, lagu wareejiyo, qaar ka mid ah garoomada diyaaradaha dalka, oo uu ku jiro madaar la sheegay in laga dhisayo koofurta Caasimadda, xilli ay xusid mudan tahay garoomada Boosaaso iyo Barbara ay gacan ku heyso shikadda DP World.

Imaaraadku waxa ay sidoo kale dalbadeen in dib loo soo celiyo xerooyinkii ay ciidanka ku tababari jereen ee ku yaallay gobolka Banaadir, kuwaas oo albaabada la isku dhiftay 2018-kii kadib markii uu xumaaday cilaaqaadkii ka dhaxeeyay labada dowladood.

Si shuruudahaas u fulaan, Imaaraadku waxa ay MW Xasan, u ballan qaadeen, in ay siin doonaan $500 oo Maylan oo dollar, shanta sano ee soo aaddan, lacagtaas oo aan ku jirin kabka miisaaniyadeed ee Ubu Dhabi ugu tala-gashay Soomaaliya, si uu danaha gaarka ah ee maamulkiisa ugu meel-mariyo, si la mid ah lacagtii Qatar siin jirtay nidaamkii Farmaajo.

GO’AANKA MW XASAN;

Xogata aan helnay, ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan uu dhiggiisa dalkaas, Maxamed Bin Zayed, ku war-galiyay in socdaalkiisu uusan ku qotamin saxixidda danaha Ubu Dhabi ka leedahay Muqdisho, xilli uusan dhidibada u taagin maamulkiisa oo aan wali xukuumad shaqeysa la dhisin ee kaliya uu u yimid hagaajinta xiriirka labada dal.

Ilaha xogtaan nala wadaagay, waxa mujiyeen in ay arrinka soo fara-galisay dowladda Masar, kuna qancisay labad dhinac in ugu horreyn meesha laga saaro mad-madowgii diblumaasiyadeed ee shantii sano ee la soo dhaafay taagnaa, kadibna la-far-iyo –suuliyo is fahamka la xariiira ganacsi ee labada waddan.

Taasoo keentay in ugu danbeyn dhinacyado isku af-gartaan shan qodob oo uu ku jiro in wafti heer sare ah oo ka socda Imaaraadka yimaadaan Muqdisho, si loo sii wado ka wada-xaajodka danaha labada dal, iyadoo Soomaaliya loo ballan qaaday 20 milyan oo abaaraha loogu talagalay iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeyn doono Dal-ku-galka UAE.

Goobta Istaraatiijiga ah ee Soomaaliya ku taallo, kheyraadka badeed iyo midka barri ee dalku leeyahay iyo marin biyoodyada caalamiga ee kaabiya ku haya, ayaa sababay in Soomaaiya noqoto dal adduunku indhaha ku hayo, Imaaraadka ayaana ah dalka carbeed ee waqtiga ugu badan galiya arrimaha Soomaaliya.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.