free tracking

Madaxweyne Mustafe ayaa sagotiyay ciidamo u jiheystay dhanka xadka

Start
1 min read

[Ethiopia]

Madaxweynaha Degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa gaaray Jiida hore ee gobolka Afdheer oo dhowaan weerar balaaran ay ku soo qaadeen xoogag taabacsan Al-shabaab oo ka gudbay xadka gobolka Bakool ee Somalia.

Mustafe Muxumed Cagjar ayaa la kulmay Saraakiisha ciidanka LIyu Boolis ee degaanka Soomaalida ee la dagaalamay Al-Shabaabkii gobolkaas weeraray isagoo ka xog wareystay howlgalada socda, wuxuuna ciidanka ugu hambalyeeyey guulaha ay ka gaareen dagaalka, isagoo ku booriyey iney sii wadaan difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kadib howlgalo saddex maalmood ka socday gudaha gobolkaasi.

Warar kasoo baxay guddoomiye Jeyte ayaa kusoo aadaya xilli dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gaarayo illaaa 400 askari oo watay gawaarida dagaalka ay ka gudbeen xuduuda Itoobiya ee dhanka Bakool, halkaasi oo dagala culus ay kula galeen ciidamada Liyuu Boolis.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Al-shabaab ay Arbacadii sheegatay in ugu yaraan 87 ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka ee loo yaqaan Liyu Boolis ka dib weerar naadir ah oo ka dhacay xadka dheer ee Itoobiya.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.