[Muqdisho]
Waxaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah ay dalka Turkiga u ambabaxaan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo casuumaad ka helay Madaxda dalkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa marka uu gaaro dalka Turkiga in uu la kulmo madaxweynaha dalkaasi Rajeb Dayib Erdogan iyo madax kale ayna kawada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal.
Wararka la helay ayaa sheegaya in booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Turkiga ay qaadan doonto muddo Saddex Cisho ah, isla markaana Madaxda dalkaas uu la geli doono heshiisyo dhowr ah.
Waa safarkii labaad ee dalka dibaddiisa uu ku aadayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii la doortay 15 kii Bishii May, waxaana uu safarkii ugu horreeyay ku tegay waddanka isugutaga Imaaraadka Carabta.
Sidoo kale xogta aan heleyno waxay intaas ku dareysaa in madaxweynuhu safarka Turkiga kadib uu booqasho ku tagidoono wadamo kale oo dhaca Geeska Afrika.