free tracking
//

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay golaha loo dhanyahay ee UN ka

Start
1 min read

[New York -UN]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigay dadaallada Dowladda ee gurmadka abaaraha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u heshiisiinta iyo hirgelinta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo salka ku haya in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, iyadoo ay iskaashanayaan shacabka iyo Ciidamada Xoogga Dalka, waxa uuna la wadaagay Madaxda Adduunka dhibaatada iyo xasuuqa argagixisadu ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee birmo-geydada ah.

“Iyadoo maanta dalkayaga ay ka jirto xaalad binu aadannimo oo adag, haddana kooxdan oo si been abuur ah u sheegtay in ay yihiin islaamiyiin waxa ay qarxiyeen ceelal biyood reer guuraagu ku tiirsanaayeen, waxa ayna gubeen gaadiid raashiin u siday, iyagoo halkaas ku dilay dad aan waxba galabsan oo markii horeba la daalaa dhacayay sidii ay u noolaan lahaayeen.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey dareenka iyo baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ku wajahan in ay iska dulqaadaan cadowga caadeystay daadinta dhiiggooda, isagoo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in dagaalkan lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, shacabka Soomaaliyeedna ay u helaan xuquuqdooda aas-aasiga ah ee adeegyada dowladda iyo nolal wanaagsan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay bilaabeen in ay kacaan si ay u taageeraan baaqa dowladooda ee ah in ay naftooda iyo dalkooda ka difaacaan dhagarta argagixsada. Maalmahan iyo bishii horeba, waxaan ka xoreynay argagixisada magaalooyin iyo tuulooyin ay ku dhibaataynayeen dadkayaga, iyadoo howlgalladaas ay isgarab sanayeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaannada, taas oo horseedday guulo waaweyn”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey qorshaha tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, saameynta isbeddelka cilimada iyo COVID-19 ay ku yeesheen dalka, mudnaanta dowladdu ay siineyso shaqo abuurka dhallinyara, kobcinta dhaqaalaha, daris-wanaagga iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.