free tracking

Madaxweynaha JFS oo safar u aaday dalka Tansaaniya

Start
1 min read

[Tanzania]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) kaasi oo ka dhacaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa madaxda dalalkaas uga warbixin doona fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan dhanka waxsoosaarka, maalgashiga iyo dadaallada dhiirri-gelinta mudan ee ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda  dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dalladda Bulshada Geeska Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7-dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudan, Uganda iyo Tansaaniya.

Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2016-kii waxa ay gudbisay codsiga ka mid noqoshada dalladan, si loo xaqiijiyo fududeynta socdaalka dadka Soomaaliyeed, suuq-geynta wax-soosaarkooda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku guuleysto inuu Soomaaliya ku daro EAC waxay noqon doontaa guul taariikhi ah, ayada oo shacabka Soomaaliyeed ay visa la’aan u safri karaan dalalkan, sidoo kalena albaab weyn u furi doonta ganacsatada Soomaaliyeed.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.