free tracking

Madaxweynaha JFS oo nan kasoo muqan Xafladi 26 june ee Xalay

Start
1 min read

[Todobaadka Xorriyadda]

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka wakiil ah Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ey usuura galin weysay in uu ka qeebgalo Munaasabadda Xaalado Caafimaado owgood, ayaa  xalay uga qeyb galay munaasabada xuska 26‐ ka Juune, oo ku beegan 62-sanno guuradii ka soo wareegatay  xiligii gobolada waqooyi ee dalkeenna ay xurnimadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, Guddoomiyaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo  Khudbad dhan walba taabaneysa ka jeediyey munaasabada ayaa waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay in 62-sano ka dib aan walaalaheenna Gobolada waqooyi ay ka maqan yihiin dalka intiisa kale. waxaana uu khudbadiisa ku  yiri sidatan.

“Farxad weyn ayeey ii tahay inaan caawa Ka qeyb galo munaasabadda loogu dabaaldagayey 62 sano guurada ka soo wareegtay xornimadii Gobollada Woqooyi ee 26-ka Juun.
62-sano ka hor 26-ka Juun1960 waxay shacbiga Soomaaliyeed u aheyd maalin weyn, maalin xorriyadeed, maalin farxadeed, maalintii ugu horreysay ee madaxbannaani helaan gobollada Waqooyi ee dalkeenna, isla markaana Calanka buluugga ah laga taagay gayiga dalkeena.

Sidaa darteed waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, waa maalin nooga baahan in aan dib u milicsanno halgankii adkaa ee naf iyo maal lahaa ee lagu bixiyay xorriyadda aan maanta heysanno.

Munaasabaddan qiimaha weyn darteed waa in aan dib u eegno wixii naga xumaaday, gacmahana aan isugu qabsanno oo aan waqti ku bixinno sidii walaalaha Waqooyi dib loogu qancin lahaa Soomaaliweyn, Midnimo iyo Walaalnimo, taas oo fure u noqon karta dowladnimo Soomaaliyeed oo sinnan, wadajir iyo  caddaalad ku dhisan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda oo geba-gada munaasabada ka sheegay in maanta loo baahanyahay midnimo aan markale dib ugu midoobi karno, taas oo ka dhigan Jamhuuriyad  ku dhisan is jeceyl iyo walalnimo, waxaana saacada markey aheyd 12:00 saqda dhexe ee habeennimo la saaray Calanka Jamhuuriyada, iyadoo shacabka iyo madaxda wajiyadooda laga dheehanaayey farxad iyo reyn-reyn.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.