Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay wafdi ay hoggaamineyso
Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Marwo Victoria Nuland oo uu weheliyo Danjiraha Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Mudane Larry André.
Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal, sii amba-qaadidda taageerada dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.
Danjire Victoria Nuland oo ugu horreyn madaxweynaha ugu hambalyeeysay xilka loo doortay ayaa sheegtay in dowladda Maraykanka ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha dalka, iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.
Madaxweynaha ayaa xusay saaxiibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo Mareykan, isaga oo uga mahadceliyey doorka ay ka qaadanayaan dowlad dhiska Soomaaliya iyo in codka ay ku dhex leeyihiin Midowga Yurub ay ku kabaan horumarinta Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay saaxiibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo Mareykan, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah, isaga oo tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso gurmadka abaaraha, maalgashiga, deyn cafiska iyo xoojinta xiriirka diblamaasayeed ee dalalka caalamka.