free tracking

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay xoghayaha guud ee Jamacada Carabta

Start
1 min read

[Qaahira]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Xoghahaya Jaamacadda Carabta, xaaladda dalka iyo dadaallada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku bixinayaan dib u dhiska dowladdnimada iyo la dagaallanka argagixisada Alshaabaab, isagoo tilmaamay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato Ururkan oo xubin muhiim ah ay ka tahay.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa ka arrinsaday sidii Ururka Jaamacadda Carabtu ay u dardar gelin lahaayeen gacanta ay ka geysanayaan howlaha gurmadka abaaraha iyo horumarinta, xal u helidda caqabadaha amni iyo dhaqaale ee ay la tacalaayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa xaqiijiyay in Jaamacadda Carabtu ay garab-taagan tahay qorsheyaasha dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uuna ugu hambalyeey dib u doorashada iyo hiigsigiisa ku aaddan xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis ah.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.