[Muqdisho]
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka amba-baxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.
Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda dalka Turkiga xilliyaddii adkaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ol-olahiisii doorashada kusoo galay hal ku dhig ahaa “Soomaali heshiis ah, dunidana la heshiis ah” ayaa waxaa uu safarkiisii ugu horreeyay uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta, waxa uuna dhowr maalmin uu halkaasi joogay la isla gartay in la iska kaashado waxyaabo badan.