Waxaa maantay magaalada Muqdisho si diiran loogu soo dhaweeyay madaxda wadamada dariska la ah Soomaaliya.
Madaxdaan oo laysku yiraahso wadamada Safka hore ayaa waxaa diroonka diyaaraha ee Aden Cadde ku soo dhaweeyay wasiirka arimaha dibada iyo gaashaandhigga.
Waxay sidoo kale madaxdaan salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada Xooga dalka oo halkaas lagu sii diyaariyay kuwaas oo qayb ka ahaa soo dhawaynta madaxda.
Intaas ka gadaal waxaa madaxdaan soo dhaweeyay madaxweynaha Jamhuuriyada oo marti-qaadkaan fidiyay, madaxeynaha ayaa muujiyay sida madaxda iyo dowlada Soomaaliya u soo dhawaynayaan madaxda dariska ee xiriirka dheer ee wanaagsan la leh Soomaaliya.
Madaxdaan ayaa dhanka kale ka mahadcelisay marti qaadka ay ka heleen madaxda iyo shacabka Soomaaliyeedba, iyagoo sidoo kale bogaadiyay dadaalada ay dowlada fedraalka Soomaaliya ka wado gobolada dalka kaa soo lagu ciribtirayo nabad-diidka.
waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada muqdisho waxaana xiran dhor wadooyin oo muhim ah kuwaas oo sidoo kale muhim u ahaa isusocodka bulshada.
Sidoo kale waxaa goordhow la filayaa in uu furmo shirka looga arinsanayo amniga gobolka iyo dagaalka alshabaab oo meel sare kadib markii ay dowlada Soomaaliya laba jibartay dagaal ay kula jirto kooxdan.
Waxaa lasoo sheegayaa in shirkaan ay sidoo kale ka qayb gali doonaan wasiirada gaashaandhiga ee wadamadan kuwaa oo shalayba sii tagay Muqdisho