Bayaan wadajir ah oo ay goordhow soo saareen madax uu kamid yahay madaxweynihii hore ee dalka mudane Shariif ayaa ka digay mudo kordhinta ay wadaan godoonka labada gole ee Baarlamaanka.
sidoo kale madaxda bayaaankaan qaybta ka ahayd waxaa ka mida ah Ra’iisul wasaatihi hore Kheyre, Cumar Abdirashid, Abdiwali Gaas, A/qadir Cosoble iyo gudoomiyihii hore ee baaralmaanka Shariif Xassan.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in aanay jirin baahi hadda taagan oo loo qabo in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka oo ujeedadiisa tahay muddo kordhin.
waxa ay ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Sheekh inuu arrintan xagal daacinta ah uu dalka iyo dadka ka badbaadiyo, maadaama uu yahay ilaaliyaha iyo Horumariyaha Mabaadiida aas aasiga ah ee Dastuurka.
Si kastaba, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa wado dadaalo wax ka bedel loogu sameynayo qodobo kamid ah dastuurka oo ay kamid tahay in mudo xileedka dowladda laga dhigo Shan sano halka uu haatan ka yahay afar sano, arrintan ayaa diidmo durba loogala horyimid.
Ku bilaaw maalintaada habraaca wararka ku salaysan Dhaqaalaha, Ganacsigayada, Maaliyada, Caafimaadka iyo Teknoolajiyada.
Si aysan kuu dhaafin daabacadeena fadlan halkaan hoose noogu reeb E-mailkaaga — Mahadsanid 🖤