[Muqdisho]
Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho booqasho indha-indheyn ah ku tagay Maareeyaha Guud ee hay’ada Tayo-dhawrka Soomaaliyeed Burhaan Iimaan oo ay wehliyaan Agaasimayaasha Waaxda Tayodhawrka, Maamulka iyo Maaliyadda iyo la-taliyeyaal.
Maareeyaha ayaa kulan la qaatay agaasimaha shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Favori Airports, mudane Okan Özdağ, kulankaas ayaa looga hadlay xoojinta iyo wada shaqeynta labada xafiis.
Maareeyaha iyo howlwadeenada hey’adda ayaa sidoo kale kormeeray xafiiska Hey’adda Tayo-dhowrka ee garoonka Adan Cadde oo howlo dayac-tir ah uu ka socoto.
Ugu danbeyntii Maareeyaha iyo wafdigiisa ayaa kormeerkiisii maanta ku soo maray qaybta adeegyada xamuulka ee garoonka iyo xafiiska wasaaradda maaliyadda ay ku leeyihiin garoonka Aadann Cadde, waxaana ku soo dhaweeyay agaasimaha iyo ku xigeenkiisa.